Preimer Bank Oo Soo Bandhigay “Agab Lacag–bixin Lebis ah”
Mogadishu, Somalia :- Preimer Bank soo bandhigay jiilkii ugu horreeyay ee aaladaha cusub ee lacag–bixinta NFC oo la xiran karo. Waa markii ugu horreysay ee tiknoolojiyadan dalka laga hergiliyay, sidoo kalana naga dhigeysa dalkii labaad oo qaaradda Afrika laga isticmaalo.
Agabka cusub ee ku naqshadeysan tiknoolijiyadda NFC oo qeyb ka ah lebis–maalmeedka ayaa waxaa kamid ah Ookilyaale/Muraayad, Faraanti/Fargal, Jijin, Suunka saacadaha iyo galka teleefanka. Qalabkan la xiran karo waxa uu macaamiisha u fududeynayaa inay si fudud, ammaan ah, oo ku haboon ugu bixiyaan lacagta, iyagoo u dhoweyna barta POS-ka ay wax ka iibsanayaan,ATM yada, irdaha tareenada, iyo agabyada lacagaha lagu bixiyo ee leh tikmolojiyadda NFCga oo aan u baahanayn howlo kale.
“Adeeggan waxa uu muuqaal rajo iyo yididiilo ka bixinayaa sida dalkeenu u korayo oo uu ugu tilaabsanayo horumaro waaweyn oo dhanka hay’adaha maaliyadda ah, lana jaanqaadayo dunida casriga ah”. ayuu yiri Maamulaha Premier Bank mudane Geedi Jimcaale.
“Waxaan aaminsannahay in tiknoojiyaddu qeyb weyn ka qaadaneyso xalka dalkeena iyo fudueynta nol
osheena, markaan waxaan soo kordhinay ammaan maaliayadeed oo lebiskaaga ku sameysan” ayuu raaciyay.
Agabkan Premier Bank uu soo bandhigay oo ku dhisan tiknoolojiyadda NFCayaa galaya booskii agabyada kale ee lacag bixinta, halka uu uga sarreeyodhinacyada:
Habka Lacag–bixinta danabeysan waxa uu lafdhabar u yahay dhaqaalaha Soomaaliya, sidaa darteed ayuu Premier Bank maalgelin iyo horumarin joogto ah ugu sameeyaa sidii dalka oo dhan loogu rogi lahaa “Bulsho kaashka ka maarantay” oo la jaanqaada, kuna xiranta nidaamka maaliayadeed ee casriga ah.
Agabkan cusub ee Premier Bank ayaa kor u qaadaya dakhliga ganacsatadamaadaama la hubiyay inuu kaalin weyn ka qaadanayo habka loo marayo iibka,soo koobayo waqtiga, soo jiidanayo macaamiisha tiknoolajiyada jecel, iyo inuu xaqiijinayo is-dhexgalka sahlan ee nidaamka POS ee meheradaha ku qabtaan lacagaha iyo agabyada kale ee lacag bixinta iyo lacag la bixidda.
Suuqa agabka lacag-bixinta ee la xiran karo waxa uu ku jiraa kobac degdeg ah, iyadoo qiimihiisa la filayo inuu gaaro $80.39 bilyan marka la gaaro 2030. Sanadka 2024–ka ee aan ku jirno, waxaa la qiyaasayaa in ka badan 1.1 bilyan oo qalab lacag-bixin la xiran karo caalamka laga isticmaali doono, oo ay ka mid yihiin saacadaha casriga ah, suumanka jimicsiga, iyo teknoolojiyada kale ee la xiran karo. Himilada Premier Bank waa inay horseed ugu noqoto isbeddelkan Afrika, iyadoo dhiirrigelinaysa la qabsashada iyo ka qeyb noqoshadakobaca suuqa ee lacag-bixinta NFC.
DHAMMAAD