Press Release

Muqdisho: Oktoobar 26, 2024: App-ka Premier Wallet ayaa maanta kadib u fududeyn doona macaamiishiisa in ay ku helaan lacagaha laga soo xawilo dibadda ee ka yimaada shirkadda Ria Money Transfer.

Macaamiisha Premier Bank iyo Premier Wallet ee ku sugan dunida dacalladeeda ayaa heli doona fursad cusub oo xawaaladeed, waxa ay si fudud lacagaha uga heli doonaan macaamiisha kala duwan ee adeegsata Ria Money Transfer. Lacagaha laga soo diro Ria ayaa si toos ah ugu soo dhici doona Premier Wallet daqiiqado kooban gudahooda; iyadoo aan loo baahnayn meel dhexe oo ay lacagtu u soo marto macaamiisheenna.

Guddoomiyaha Premier Bank mudane Maxamed Geeddi Jimcaale ayaa sheegay in bangigu muhiimmad gaar ah siinayo sare u qaadidda fursadaha lacag helidda xawaaladeed iyadoo la adeegsanayo teknoolajiyadii ugu dambeysay qarnigaan.

“Horay waxaan dadkeenna ugu fududeynay in ay lacagaha dibadda ka helaan dhammaan qaaradaha dunida, maantana waxaan soo kordhinay in Ria Money Transfer oo ah adeeg caalami ah oo lacagaha la isugu diro aan u keenno dadkeenna, una fududeyno in ay daqiiqado ku helaan lacagaha ay ka sugayeen ehelladooda, asxaabtooda iyo cid walba oo macaamiil maaliyadeed kala dhaxeyso” ayuu yiri.

Ria Money Transfer oo fududeysa lacag diridda iyo helidda dalalka dunida ayey xiriirkan uga dhigan tahay in ay heshay saaxiib cusub oo ah Premier Wallet. Waxa ayna labada shirkadoodba ka wada shaqeyn doonaan sii hormarinta adeegyada lacag dirid iyo helid ee dunida oo dhan ah; iyada oo uu macmiilku bixinayo khidmad aad u yar marka lala barbardhigo xawaaladaha kale.

– Dhammaad –