Premier Bank oo Soo kordhiyay Adeeg Cusub: ATM Cash Deposit – Xorriyad Lacag Dhigasho oo 24/7 ah.
Muqdisho, Soomaaliya – 22.08.2024, Premier Bank wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay adeegga cusub ee ATM Lacag Dhigasho (Cash Deposit), oo si gaar ah loogu talagalay in uu macaamiisha siiyo xorriyad buuxda oo lacag dhigashada koontada bangiga ah. Adeeggan cusub wuxuu u suurto gelinayaa macaamiisha inay si fudud oo ammaan ah ugu shuban karaan lacagtooda waqti kasta oo ay doortaan, maalin iyo habeenba; iyadoo ATM-yadeennu ay u adeegayaan si joogto ah.
Faa’iidooyinka ugu Muhiimsan ee Adeeggan:
- Helitaan Joogto ah: ATM-yadeennu waxay diyaar u yihiin in lagu helo waqti kasta, si aad lacagtaada ugu shuban karto koontadaada marka aad u baahato, iyadoon xilliga loo eegin.
- Hufnaan, Ammaan, iyo Degdegsiimo: Adeeggan wuxuu ku siinayaa kalsooni iyo ammaan, iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyaddii ugu dambeysay si lacagtaadu si dhaqso ah ugu gasho koontadaada.
Mahad Axmed Maxamed, Madaxa Howlaha ahna ku simaha Maareeyaha Guud ee Premier Bank ayaa yiri: “Soo bandhigida adeegga ATM Cash Deposit waa caddeyn buuxda oo muujinaysa sida aan ugu heellanahay casriyeynta iyo horumarinta adeegyada bangiga, si aan macaamiisheena u siino adeeg bangi oo dhamaystiran, ammaan ah laguna kalsoonyahay. Sidaas darteed ATM Cash Deposit wuxuu kusiinayaa xorriyad lacag dhigasho 24/7 ah, taasoo si sahlan u daboolaysa baahiyaha bulshada maaliyadeed.”